Askeri Mareykanku Sheegey in Soomaaliya Looga Diley oo La Shaaciyey iyo Goobta lagu Diley.

0
591

Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxa ay beeniyeen in Askari Mareykan ah looga dilay weerar 19-kii bishan ka dhacay meel ku dhow degaanka Buulo-guduud oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xooggaga ururka Al-shabaab ayaa shalay waxa ay sheegeen dagaal ay la galeen ciidamada dowladda federaalka oo garab ka helaya ciidamada AMISOM iyo kuwa cadamada Mareykanka in ay ku dileen Askari Mareykan ah iyo Afar ciidamada AMISOM ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay inaanay jirin Warkan ka soo baxay Al-shabaab ayna bad qabaan dhammaan ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa ku sugan degaanada Jubbaland.

Afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) oo lagu magacaabo Samantha Reho ayaa u sheegay Wakaaladda Xinhua: “Waxaan ka warqabnaa warbixinta iyo dagaalka dhacay, laakiin waa khalad oo waa been in khasaare uu ina soo gaaray.

Mareykanka ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in ay weerraro ka geystaan saldhigyo Al-shabaab ay leeyihiin, ayna sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowladda federaalka, si Al-shabaab looga guuleysto.

6-dii May 2017-kii Shabaab ayaa dagaal ay la galeen ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Mareykanka waxa ay ku dileen Askari Mareykan ahaa, kaasi oo ay soo bandhigeen xilligaasi sawiradiisa.

Ciidamada Mareykanka ayaa qaada hawlgalada qorsheysan ee lagu weeraro deganada ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab, iyagoo ciidamada adeegsanaya diyaarado Helicoptero ah.

warsom2011@gmail.com