Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe oo Ganacsato Caan ah lagu Xir Xirey/waa Maxey Sababtu?

0
609

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay ganacsatado ku eedeysan in deegaanka Gamboole kula kulmeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ku amray in ay yimaadaan deegaanka Gamboole.

“Amar ayeey nagu sii yeen aan u tagno oo aan la kulanno, waxaa ay nagala hadleen waxey nagala hadleen arrimo la xiriira bixin Zakada, waanan ka aqbalnay wax yaabihii ay nagala hadleen’’ ayuu yiri ganacsadaha la hadlay warbaahinta.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan maamulka gobolka  Hirshabelle.

Hay’addaha Amniga gobolka Shabeellaha dhexe ayaa horey amar uga soo saaray dadka aada deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab kadib markii maamulayaasha iskuulada ku yaal magaalada Jowhar ay u yeereen Al-Shabaab.

warsom2011@gmail.com