Warbaahinta Iiraan ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku soo dhacday magaalada Semirom.
Diyaaradda ayaa isaga kala goosheysay magaalooyinka Tehraan iyo Yausj, waxaana sida la sheegay saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo lix qof oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda.
Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo gurmad ahayd ayaa lagu soo waramayaa in ay u suurtageli weyday in ay gaarto goobta ay diyaaradda ku burburtay sababo la xiriira cimilada oo aad u xun awgeed.
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay burburka diyaaraddaasi oo ay la heyd shirkadda diyaaradaha ee Aseman ee dalkaasi Iiraan.
warsom2011@gmail.com









