Maamulka Somaliland oo Xirey Agaasimihii TVga Universal ee Xaruntiisu aheyd Magalada Hargeysa.

0
560

Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay agaasimihii telefishanka Universal Tv oo ay ku eedeeyeen inuu telefishankiisu siidaayey war laf-jab ku ah ciidanka Booliska.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in sababta loo xidhay tahay in war khalad ah laga baahiyey telefishankaasi, taas oo wax ka sheegaya ciidanka jooga magaaladda Dararweyne oo kala dhex jooga laba beelood oo dhawr jeer dirir ku dhexmartay halkaasi.

“Waxa  ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen agaasimihii Telefishanka UNIVERSAL Maxamed Caabi Digaale  oo telefishanka uu masuulka ka yahay laga siidaayey warar qaranimada iyo ciidankaba laf jab ku ah, iyadoo ciidamada Booliska  ee ku sugan Dararweyne ee habeen iyo maalin walba dadkooda u soo jeeda siday u kala badbaadin lahaayeen ku tilmaamay inay reer yihiin taliyihiina ku tilmaameen inuu reer yahay,arrintaasi baadhisteedii ayuu ciidamada wadaa, sharcigaana la gayn doonno”ayuu yidhi taliye ku xigeenka Booliska Abdiraxmaan Fooxle

Mar la waydiiyey in telefishanku arrintaasi raali galin ka bixiyey inay ku qanci waayeen iyo in kale waxa uu taliye ku xigeenku sheegay in aanay raaligalintaasi khuseyn, waxaanu yidhi “waxaas la soo qoray nama khuseeyeen, waxa wax laga sheegay waa ciidanka Booliska.”

Sidoo kale, waxa cambaareeyey xadhiga agaasimaha Telefishanka ururadda xuquuqul insaanka, Saxaafadda iyo xisbiyadda mucaaradka oo ku tilmaamay in xadhigaasi yahay mid sharciga baalmarsan.

warsom2011@gmail.com