Degmada Deyniile ee Gobolkan Banaadir Guri Ku Yaal oo Xaley Qarax ka Dhacey Warar kasoo Baxaya!.

0
583

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xalay ka dhex dhacay Guri ku yaalla xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Afhayeenka ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed Cabdullaahi Iimaan ayaa sheegay in ciidamada ay xaqiiijiyeen in Qaraxaasi ay ku dhinteen labo qof oo ka mid ahaa kuwii Qaraxa farsameeynayay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen xubno ka tirsan Al-shabaab oo kaliya.

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka oo wata gaadiidka dagaalka oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa gaaray halkaasi, waxayna xarumaha baaritsta u qaadeen dadkii ku waxyleelobay qaraxaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay guriga uu qaraxa ka dhacay, waxayna arrintan cabsi iyo wal ku abuurtay dadka degaanka, shacabka degan xaafadaasi ayaa guryahooda goor hore oo xalay ah ku xarooday, maadaama ciidamada ay wadaan baaritaano.

warsom2011@gmail.com