Markii ugu Horeysey oo Goleyaal Deegaan loo Sameynayo Degmooyinka uu ka Koobanyahey Maamulka Hirshabeele.

0
504

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dhismaha Golaha degaanka ee degmooyinka maamulka Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in degaanada maamulka Hirshabeelle hadda laga dhisi karo Golaha degaanka 10 degmo oo xor ah laakiin hadda ay qorsheynaayaan in ay sameeyaan dhismaha Golaha degaanka 5 degmo.

Wasiir Caadle ayaa xusay in ay Hirshabeelle ay diiradda saari doonto  dhismaha Golaha degaanka si dadka shacabka ay u doortaan maamulkooda.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa maamul goboleedyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa ay wada wadeen Dhismaha Golaha degaanka, waxaana hadda laga hirgeliyay degmooyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

warsom2011@gmail.com