Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu ku jiro sida uu hadalka u dhigay go’doon dhinacyo badan.
Hadalkan ayuu ka sheegay Ugaas Xassan munaasabad soo dhaweyn ah oo magaalada Beledweyne loogu sameeyay labada guddoomiye baarlamaanka ee Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana uu sheegay Ugaas in gobolka Hiiraan uu xiligan wajahayo go’doomin siyaasadeed iyo mid Amni.
‘’Gobolka Hiiraan iyo mushtamaca ku dhaqan waa Soomaali, ma garaneyno sababta go’doominta intaa la eg loogu hayo, wax kale iska daa’e xitaa dowladda federaalka waxaan ka weyney in dadka ku dhaqan gobolka hellaan biyo nadiif ah ayuu yiri’ Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xamud, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.
Waa markii ugu horeysay oo munaasabad kaliya ay ku kulmaan Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle tan iyo markii xilka loo doortay, iyada oo la ogyahay mowqifka Ugaaska ee la xiriira dhismaha iyo guud ahaanba jiritaanka Hirshabeelle oo uu siweyn uga biyo diidaan.
warsom2011@gmail.com









