Gobolka SH/DHexe oo Xaley Diyaarado Duqeyn ka geysteen/Intee la egyahey Khasaaraha ay geysteen?.

0
599

 

Wararka ka imanaya gobolka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ka geysteen deegaan 7 KM u jira degmada Balcad.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la soo xiriiray ayaa sheegay duqeynta ay maqleyn aheyd mid xoogan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la bartilmaameedsaday saldhigyo xoogagga Al-shabaab ay ku lahaayeen goobaha la weeraraya inkastoo aan dhab ahaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Deegaanka duqeynta lagu bartilmaameesaday waa maalmihii ugu danbeeyayba ka jiray dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay Khamiistii duqeyn ay diyaaradaheedu ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Baay lagu dilay tiro xubno ka tirsan Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com