Duqeyn lala Beegsadey Daacishta Soomaaliya oo uu ka Hadley M/weynaha Puntland C/weli Gaas.

0
528

 

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn lala eegtay Koox ka tirsan Ururka Daacish oo ka dagaalama deegaannada Puntland

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay hay’adaha ammaanka maamulka Puntland in ay xaqiijiyeen weerarkan in lala beegsaday hoggaamiyaha kooxda Daacish C/qaadir Sheekh Cali Muumin, balse uu ka badbaaday.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaa ku darray in ay dhinacooda soo dhaweynayaan beegsiga lagu hayo kooxda Daacish, isaga oo sidoo kale tilmaamay Daacish in ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in laga guuleysan karo kooxda Daacish iyo ururka Al-shabaab, hadii shacabka Soomaaliyeed ay hal arragti ka noqdaan dagaalka lagula jiro dhinacyadan, taageerana u fidiyaan Ciidamada xoogga dalka.

Ururka Daacish ayaa sheegtay weeraro dhowr ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso oo Puntland ay ka taliso, waxaana duqeyntan ay u muuqataa mid jawaab u ah weeraradaasi.

warsom2011@gmail.com