Nin Odey ah oo Xaley Lagu Diley Degmada Qoryooley ee G/sh-hoose.

0
753

Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Kaba-cadde.

Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta ka hor inta aysan ciidamada degaanka soo gaarin, sida goobjoogaal ah ay u sheegeen Hiiraan Online.

“Ma garaneyno sababtii loo dilay Sheekh Ibraahim, kuma uusan lug laheyn wax siyaasad ah”, mid kamid ah ehelada marxuumka ayaa sidaasi Hiiraan Online u sheegtay.

Dhinaca kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka marxuumka. sidoo kale Xaaladda degmadda ayaa maanta degan kadib dilkii xalay.

18-kii bishan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa dagaal xooggan ku dhexmaray degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

warsom2011@gmail.com