Wararka ka imaanaya degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in habeenkii xalay dagaal ka dhacay halkaas, kadib markii koox ka tirsan Dagaalyahanada al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka AMISOM ee Jabuuti ay ku lahaayeen degmada Buulaburte.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku soo gaarey subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah Mana jirto faah-faahin dheeraad ah oo laga hayo dagaalka.
AMISOM weli wax war ah kama soo saarin, halka al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen ciidamo badan oo ka tirsan Kuwa Nabad Ilaalinta U Jooga Dalka Soomaaliya Ee AMISOM.
Weerarkani Ay Al-shabaab Ku Qaaday saldhig ciidanka AMISOM ee Jabuuti ay ku lahaayeen degmada Buulaburte Waa markii labaad ee la weeraro muddo laba maalmood gudaheed ah.








