Shir Looga Hadlayey Wadatashiga Hanaanka Dib-U Heshiisiinta ayna Qaadaceen Isbaheysiga Xisbiyada Soomaaliya Oo Ka Furmay Muqdisho.

0
581

Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka dowladda Federaalka Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa si rasmi ah  u furay shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xaalkooda kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka, laguna  u qabtey Muqdisho.

Shirkan oo soconaya muddo afar maalmood ah Waxaa ka qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha .Gudaha, Federaalka iyo dib u hushiisiinta Soomaaliya,Qaar kamid ah madaxda dalka,Xubno ka socdey Maamul Gaboleedyada,Odayaasha dhaqanka,Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka  Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameenayo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ay ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada  laga gaaro shirka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khader) ayaa u mahed celiyey madaxda Wasaarada Arimaha Gudaha,maadaama wakhtii loo baahnaa ay qabteen Shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisiinta Dalka. Waxuuna cadeeyey in wadatashigan uu qeyb ka yahey dib u soo celinta dalka maadaama uu yahey mid Qaran.

“Waxaa loo baahan yahey in la sameeyo dib-u-heshiisin Siyaasadeed iyo mid Diimeed si loo helo kalsooni shacab taasina waxaa looga baahan yahey in looga doodo sidii loo heli lahaa kulan kan inta uu socdo”ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Wuxuu u soo jeediyey ka qeyb galaaysha shirka iney Dib-u-heshiisiinta Dalka gaarsiiyaan deegaanada ay matalayaan si loo abuuro shacab u diyaarasan in la helo Nabad iyo Nolol,waxuuna tilmaamey in la sameeyo madal wadatashi iney qayb ka aheyd balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya xiligii doorashada.

warsom2011@gmail.com