Dabley hubeysan ayaa maan gelinkii dambe waxa ay Magaalada Muqdisho ku Dileen mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.
Axmadeey Barre oo ah Marxuumka magaciisa
ayaa Dilkiisa waxuu ka dhacay nawaaxiga hoteelka Gurguurte ee Degmada Yaaqshiid, sida Taliyaha Degmada Yaaqshiid, Korneel Maxamuud Shire uu xaqiijiyay.
Raggii ka dambeeyay falkaasi lagu khaarajiyay marxuum Axmadeey ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxsadeen goobta, inkastoo Taliyahu uu sheegay in ay socdaa howlgallo baaritaano ah.
Magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan loogu dilo tobanaan ka mid ah Ergooyinka Xildhibaanada Barlamaanka ku soo doortay Xarumaha Maamul Goboleedyada ka jira Dalka Soomaaliya.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilkan, inkastoo Xoogaga Al Shabaab ay horey ugu hanjabeen in ay beegsan doonaan Ergadii ka qeyb qaadatay doorashooyinka ay ku soo baxeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.




