Puntland Oo Tiradii Ugu Badneyd Ee Ciidan Abid Looga Dilay Hal Goob .

0
695

Dagaalka ayey la beegsadeen guuto ciidanka Puntland ka tirsan oo uu taliye u yahay Col. Cabdullaahi Cumar Canshuur oo ku sugneyd tuulada Af-urur oo kamid ah waddooyinka laga galo buuraha sil-siladda Golis, waxaana ay qiyaastii 80km dhanka Koonfur uga beegan tahay magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa ah mid aad u kulul, waxaana warar madaxbanaan sheegayaan in al-Shabaab ay u suurta gashey in ay gudaha u galaan tuulada oo qabsadaan, waxaana ay ku dileen dad faro badan, waxaa wararku sheegayaan in xitaa ay dileen haween ku sugnaa tuulada.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa warbaahinta Reuters u xaqiijiyey in Al-Shabaab ay qabsadeen af-urur.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa in ay kor u dhaaftey 50 askeri oo Puntland ah, waxaana ay ku qabsadeen hub iyo gawaari ciidanka Puntland lahaa.

Ciidanka Puntland weli war kama soo saarin dagaalka, waxaana socda gurmad loo fidiyey ciidanka la helay.

Inkasta oo Puntland weli xaqiijin tirada looga diley dagaalka ayey noqoneysaa