Booliiska Dalka Kenya oo Qabtey Sadex Dhalinyaro Soomaaliya usoo socotey.

0
574

Police-ka la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya, ayaa gacanta ku dhigay shan ruux oo dhallinyara ah oo lagu eedeeyay in ay u socdaalayeen dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan xarakadda Al Shabaab.

Dhallinyarada la tuhunsanyahay ayaa waxaa da’dooda ay u dhexeysaa 20-jir, waxaana ay ka wada tageen degaannada Tulloroba iyo Chechelesi.

Guddoomiyaha county-gga Isiolo George Natembeya, ayaa sheegay in dhallinyrada la qabtay ay ahaayeen labo koox.

“Saddex waxaa lagu xiray howlgallo, labada kalena waxaa gacanta lagu dhigay iyagoo abaabul wada”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha.

Tan iyo sanadkii lasoo dhaafay waxaa la wariyay in tiro dhallinyara ah la waayay, kuwaas oo loogu shakisanyahay in ay uwada socdaaleen dalka Soomaaliya.

Xuduuda wadamadda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa xiran tan iyo markii qala-laasaha ay ka bilowdeen degaannada ku dhow xuduuda.

28-ka bishii May, Warbaahinta Al Shabaab ayaa siidaayay muuqaal ku saabsan xaflad loo sameeyay dagaalyahanno ka tirsan kooxda oo dhameystay tababar ciidan oo muddo socday. 
Sheekh Cali Maxamuud Raage, oo ah afhayeenka Al shabaab, ayaa sheegay in dagaalyahannada dhameystay tababarka ay intooda badan yihiin Kenyan, kuwaas oo la doonayo in ay dib ugu noqdaan dalkooda Kenya kadibna ay halkaasi ka fuliyaan weeraro ka dhan ah dowladda Kenyan, sida hadalka uu u dhigay.

Isla bishaas May,  AlShabaab ayaa soo bandhigay Askari katirsan ciidamada Kenya kaas oo ay ku qabteen dagaal ka dhacay degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo sanadkii hore.

Muuqaal soconaya Afar daqiiqo oo laga soo duubay Askarigan magaciisa lagu sheegay Alfred Danyi Kilasi ayaa waxaa uu fariin udirayaa madaxda Kenya iyo eheladiisa.

warsom2011@gmail.com