Ciidamada Puntland Iyo Ururka Al-shabaab Oo ku Dagaal Ku Dhexmaray Af-urur

0
532

Al-shabaab  ayaa xili hore oo saaka weerar ku qaaday  saldhig Ciidamada Daraawiishtu Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-urur oo ee gobolka bari ee Puntland

Korneel Cabdullaahi Cumar Canshuur Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka sanaag  ayaa VOA  u Xaqiijiyay in weerarka  ay  saldhiga ku soo qaadeen ururka alshabaab, uuna socda muddo Labo Saacaadood ah.

Sidoo Kale Taliyaha wuxuu sheegay in  rasaas goosgoos ay ka dhacayso degaankaasi,  oo ciidamaduna ay iska difaaceen kooxdii weerarka soo qaaday , waxaana uu sheegay inay go’an tahay isgaarsiinta degaanka.

Dowlada Goboleedka Puntland weli kama Aysan hadlin dagaalkaasi, Mana jiro warar faahfaahsan oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.