Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa maanta waxaa howlgallo ay ka sameynayaan qaar kamid ah waddooyinka magaalladda Muqdisho.
“Ciidamada waxaa ay baarayaan gawaaridda dadweynaha, kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, iyagoona dhinaca kale dadka caadiga ah weydiinayay Aqoonsi, waxaana ay joogaan qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Yusuf Maxamed oo kamid ahaa dadkii soo maray waddooyinkii howlgalladda ay ka socdeen.
Howlgalka waxaa uu ka socday waddada Dheer ee Makah Almukaramaha , Isgosyka Taleex iyo qaar ka mid ah Waddooyinka kale ee Muqdisho.
Magaalladda Muqdisho, waxaa ka socda hawl-gal loogu magac daray xaqiijinayo amniga caasimada waxaana magaalladda dibbadda looga saaray in ka badan 3000 oo kamida ciidanka Xooga dalka, waxaana la geeyey Jiidaha hore ee dagaalka si gaara Xerada Bali doogle, sida dowladda ay sheegtay.
warsom2011@gmail.com









