Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa booqday xerooyin lagu tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.
Xerada Ciidamada xoogga dalka qeybtooda 43-aad ee Jubaland iyo xero kale oo lagu tababaro ciidamada daraawiishta Jubaland ayuu madaxweeynuhu booqday, isagoo warbixinno ku saabsan xaaladda ciidankaasi ka dhageystay saraakiisha ciidamadaasi.
Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubaland Gen. Ismaaciil Saxardiid ayaa madaxweeynaha uga warbixiyay xaaladda ciidamada, iyo marxaladaha adag ee ay soo mareen, isagoo sheegay in ciidamadu ay heystaan tababarro ku filan, ayna u diyaarsanyihiin in ay ka qeybqaataan howlgallada ka dhanka ah dhinacyada kasoo horjeeda dowladda.
Madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka qeybtooda Jubaland ay aad u dayacanyihiin, islamarkaan aan la siin hub iyo agabka kale ee uu ciidanku u baahanyahay, wuxuu Madaxwaynaha ka codsaday in ciidamadan la qalabeeyo si ay uga qeybqaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxwayne Farmaajo oo ugu danbeyn madasha ka hadlay ayaa amaanay ciidanka, isagoo sheegay in afartii bilood ee lagu soo gudbay ay ciidamadu heleen mushaaraadkooda, waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto sidii ciidamadan loo qalabeyn lahaa.
Halkan ka daawo kormeerka Madaxweeynaha ee xerooyinka Ciidamada;
warsom2011@gmail.com








