Qarax miino ayaa saakay lagu aasay xaafadda 21-ka October ee degmada Waabari ee magaalada Muqdisho,waxaana qaraxaasi ciidamada amniga ku wargeliyay dadka xaafadda oo ciidamada xiriir la sameeyay.
Ciidamada amniga ayaa goobtii qaraxa lagu aasay xiray,waxaana ay ka saareen dadkii u dhawaa si aysan wax yeello uga soo gaarin, sidda ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda.
Intaas kaddib ayeey ciidamada amniga si nabadgelyo ah ku qarxiyeen qaraxii Miino ee la dhigay xaafadda 21-ka October ee degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waabari ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay miinada ay qarxiyeen ciidamada.
warsom2011@gmail.com








