Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Saraakiil ciidamada Uganda eeku sugan magaalada muqdisho ayaa sheegtay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ay uga geeriyoodeen ku dhwaad 7 askari oo ka tirsanaa ciidamadooda Muqdisho ku sugan ee dagaalada kula jira Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab
Paddy Ankunda oo ah Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa u sheegay saxaafada in dagaaladii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhaccay degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa inay uga geeriyoodeen illaa iyo 6 askari oo u dhashay wadanka Uganda
Sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay inay noqonayso ciidamo farabadan in ay uga geeriyoota tan iyo markii ay Soomaaliya hawlgalada ka bilaabeen sanadkii 2007 Taasi oo ay kula dagaamayaan xarakada mujaahiiinta al-shabaab oo awooda balaaran ku leheed gudaha magaalada mudho oo iyadoonan wax dagaal ah ka dhicin si caadi ah kaga bexeen Qeebo farabadan oo ka tirsan magalada muqdisho Balse ay haatan mamulaan dowlada TFG-da Soomaaliya




