War Saxaafadeed Ay Tacsi Ugu Direyso Dowlda Faransiiska Oo Ka Soo Baxay Xukuumada Soomaaliya

0
492

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

War Saxaafadeed 55/2011

Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay qoyska Haweeneydii Faransiiska ahayd ee geeriyootay

(Muqdisho, Oktoobar 19, 2011) Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray madaxweynaha Faransiiska, isagoo muujiyay sida uu uga xumaaday geerida Marie Dedieu oo u dhalatay dalka Faransiiska, taasoo ay afduubayaal ku haysteen gudaha Soomaaliya.

Dabley hubeysan ayaa Marie ka soo afduubtay jasiirad ku taalla dalka Kenya, kadibna u soo gudbiyay dalkeena Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaaraha ayaa falkan ku sifeeyay inuu yahay mid ka baxsan bani’aadannimada, isla markaana meel uga dhacaya sharafta shacabka Soomaaliyeed.

“Aad baan uga xunnahay geerida ku timid Marie. Waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay.

“Waxaan ka shaqeyneynay oo aan rajeyneynay in la soo daayo. Nasiib darro, argagixiso ku xiran Al-Qaacida iyo burcad-badeed ayaa khatar u haya nabadgelyada Soomaaliya, gobolka iyo caalamkaba. Xukuumaddeyduna waxay ka shaqeyn doontaa sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas.”

Falkan murugada leh wuxuu muujinayaa mas’uuliyadda shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ka saran in la nabadeeyo Soomaaliya. In laga caawiyo Soomaaliya dhinacyada sharciga iyo kala-dambeynta iyo horumarka dhaqaalaha ayuunbaa looga guuleysan karaa xagjirnimada iyo burcad-badeednimada.

DHAMMAAD

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)