Ciidamada Qalabka Sida Oo Ku Kala Horeeya Ka Qeyb Qaadashada Dagaalada Lagula Jiro Xarakada Al-shabaa

0
558
 

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com) Qaran kasta oo jiraa wuxuu leeyahey ciidamo difaaca madaxbanaanida dalka gudaha iyo debedaba dalkeena somaaliya ayaa wuxuu leeyahey ciidamada qalabka sida oo kala ah:

1 ciidanka xooga dalka soomaaliyeed
2 ciidanka booliska soomaaliyeed
3 ciidanka nabad sugidda soomaaliyeed
4 iyo ciidanka asluubta soomaaliyed
ciidamadan oo dhamaantood amaan mudan ahna ciidamo qaran ayaa dhawaan
waxaa la sameeyey u kuur gal la xiriira sida ay ugu kala horeeyaan
dagaalada lagula jiro xarakada alshabaab.

Waa nasiib daro wax lagu farxana maahan ciidamo iyo dhinacyo soomaali
ah oo is dilaya halki ay ku fekeri lahaayeen xallinta mushkiladda
dhexdooda ah iyadoo mar kasta laga rabo xukuumadda uu qaranku leeyahey
in ay la timaado aragtiyo looga gudbi karo mushkiladaha markaas taagan
ma muuqato taasi waxaadna moodaa in soomaalidu garaadkooda ka saareen
muxaafid iyo mucaarad wada nool danta guud ee dalkuna ay ka dhaxeyso.

Si kastaba arinku ha ahaadee markii dhawaan ay billawdeen dagaaladii
muqdisho ka dhacey ayaa qiimeyn lagu sameeyey ciidamada qalabka sida
waxaana kaalinta koowaad galey ciidamadda xooga dalka soomaaliyed.
Halka kaalinta labaad ay galeen ciidamadda nabad sugidda qaranka
iyadoo kaalinta sadexaad ay si dirqi ah ku heleen ciidamadda booliska
soomaaliyeed oo iyagu inta badan lagu wareejiyo meelaha ciidamada kale
ee qaranku gacanta ku dhigaan iyadoon meesha laga saari karin hawsha
ay qaranka u hayaan ciidamadda asluubta soomaaliyeed

QIIMEYNTU WEY SOCOTAA LA SOCO TODOBAADKA DANBE
IYO QORMADA DALJIR.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)