Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com) Qaran kasta oo jiraa wuxuu leeyahey ciidamo difaaca madaxbanaanida dalka gudaha iyo debedaba dalkeena somaaliya ayaa wuxuu leeyahey ciidamada qalabka sida oo kala ah:
1 ciidanka xooga dalka soomaaliyeed 2 ciidanka booliska soomaaliyeed 3 ciidanka nabad sugidda soomaaliyeed 4 iyo ciidanka asluubta soomaaliyed
ciidamadan oo dhamaantood amaan mudan ahna ciidamo qaran ayaa dhawaan waxaa la sameeyey u kuur gal la xiriira sida ay ugu kala horeeyaan dagaalada lagula jiro xarakada alshabaab. Waa nasiib daro wax lagu farxana maahan ciidamo iyo dhinacyo soomaali ah oo is dilaya halki ay ku fekeri lahaayeen xallinta mushkiladda dhexdooda ah iyadoo mar kasta laga rabo xukuumadda uu qaranku leeyahey in ay la timaado aragtiyo looga gudbi karo mushkiladaha markaas taagan
ma muuqato taasi waxaadna moodaa in soomaalidu garaadkooda ka saareen muxaafid iyo mucaarad wada nool danta guud ee dalkuna ay ka dhaxeyso. Si kastaba arinku ha ahaadee markii dhawaan ay billawdeen dagaaladii muqdisho ka dhacey ayaa qiimeyn lagu sameeyey ciidamada qalabka sida
waxaana kaalinta koowaad galey ciidamadda xooga dalka soomaaliyed. Halka kaalinta labaad ay galeen ciidamadda nabad sugidda qaranka iyadoo kaalinta sadexaad ay si dirqi ah ku heleen ciidamadda booliska soomaaliyeed oo iyagu inta badan lagu wareejiyo meelaha ciidamada kale ee qaranku gacanta ku dhigaan iyadoon meesha laga saari karin hawsha ay qaranka u hayaan ciidamadda asluubta soomaaliyeed
QIIMEYNTU WEY SOCOTAA LA SOCO TODOBAADKA DANBE IYO QORMADA DALJIR.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





