Qarax Ka Dhacey Afqaanistaan oo Khasaare balaaran Geystey/yaa ka dabeeyey?.

0
581

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay magaalladda Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan, sida saraakiisha caafimaadka ay sheegeen.

Qaraxa waxaa  fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa.

Wahid Mahrouh, oo ah afhayeenka Wasaaradda caafimaadka dalka Afgaanistan, ayaa sheegay in Afar qof ay dhinteen halka 36 kalana ay dhaawameen.

Ciidamada Police-ka ayaa feejignaan buuxda ku jira hadda, waxaana magaalladda laga dareemayaa cabsi xooggan.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah Bar Kontorool oo ku taalla waddada Shash Darak oo ku dhow Xarunta Hay’adda Qaranka ee Difaaca Ammaanka.

Ma ahan Qaraxii ugu horeeyey ee lala eegto ciidamada dalkaasi waxaana falal nuucaan oo kale ah hore u sheegtey Ururka Daalibaan oo kasoo horjeeda siyaasada dawladda ka arrimisa dalka Afqaanistaan iyo Huwanta caawisa ee ciidamadoodu dalkaas ku suganyihiin.