Shacabka Ku Ganacsanayey Agagaarka Dekeda Boosaaso Oo Maamulka Gobolka Bari Ku Amray In Ay Si Deg Deg Ah Kaga Guuraan

0
717

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Shacabka Ku Nool Agagaarka  Dekedda magaalada Boosaaso 00  horay loogu baaqay inay goobahaasi baneeyaan ayaa mar kale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Baddu ku  amartay in sida ugu dhaqsida  badan in ay halkaasi kaga guuraan.

Abshir Siciid Saalax oo ah Wasiir ku xigeenka Dekedaha ayaa Saxaafadda kaga warbixiyay waxa uuna dadka Dekedda agagaarkeeda degen looga baahan yahay in inta aysan dhamaan mudadii loo qabtay ay si dhakhso ah halkaas uga u baneeyaan.

Waziirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladu ay diyaar u tahay in dadkaas qaar kamid ah oo ka cawday in xiligan aysan halkaas ka guuri karin ay u fududayso sidii ay halkaas uga guuri lahaayeen iyada oo ku taageeri doonta Gawaari Ay meesha Qalabkooda ka baxsadaan.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Maamulka gobolka Bari ayaa dhawaan si wadajir ah u Soo Saaray Wareegto ay ku amrayaan in dadka Dekedda agagaarkeeda goobaha Ganacsi ku haystaa ay muddo isbuuc ah gudahood kaga guuraan agagaarka dekeda Magaalada boosaaso.

Maadama Dekedda la balaarin doono isalmarkaana dib u habayn lagu samaynayo , meheradaha dadkaasi ay dekedda hareeraheeda ku haystaana waxaa la sheegay inay xanibeen jidadkii Dekedda soo gelayey iyo goobihii ay Baabuurta Dekedda wax ka kaga daabulaeen in ay xanibaad ku sameeyeen islamarkaan uu maamulka Dekeda Ka Soo saray wareegtadaani ku aadan in ay ka guuraan agagaaarka dekede boosaaso

 Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)