Diyaarad Nooca Dagaalka Ah Ee Laga Leeyahay Dalka Kenya Oo Ku Soo Dhacday Xadka Ay Wadaagaan Kenya Iyo Soomaaliya

0
556

 Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Shabakada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Warararka Ay Ka Helyso Dhoobley ayaa sheegaya in ay soo dhacday diyaarad Nooca Militeriga ah oo ay leedahay dowladda Kenya ee Somaliya iminka Gudaha U Soo gashay.

Goobjooge ku sugan xadka ay wadaagaan Dalka Kenya iyo Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in diyaarada Nooca Looyaqaano Kobra  iyadoo Ololeysa ay kusoo dhacday isgoyska kala qeybiya Libooya iyo Dhoobley islamarkaana ay waxyeelo kala duwan gaarsiisay Dad ku sugnaa meesha ay ku soo dhacday.

Sidoo Kale wararka  ayaa sheegaya in diyaaradani ay gantaallo iyo saanado dagaal usoo waday ciidanka Kenya ee dhawaan soo gaaray deegaanka Taabto ee gudaha dalka Soomaaliya.

 Ilaa iyo haatan Lama oga in diyaaradan dhulka lagasoo toogtay iyo inkale waxaase xaqiiq ah in diyaarad ay leedahay dowlada keenya ay Iyadoo ololeysa Ku soo dhacday Dhulka

 Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)