Wasaaradda Dastuurka ee Soomaaliya oo Billawdey Wada tashiyo la xiriira Dastuurka Dalka.

0
591

Wasiirka wasaarada dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabanayaan wadatashiyo sida uu hadalka u dhigay la xiriira dib u eegis lagu sameynayo dastuurka.

Waxaa uu sheegay wadatashiyada ay ka qeybqaadan doonaan dhamaanba maamul gobolleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

‘’Qorshaha hadda aan dajinay waa qorshe sadex bilood ah 90 maalmood, kaasoo noqon doona wada tashiyo aan la sameyneyno bulshada qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan bishan dhamaadkeeda oo aan rabo in aan isku keenno wasiiradda dastuurka dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan, waxaana sidoo kale wadatashiyada qeyb ka noqon doona, culima’udiinka, xasbiyada dalka ka jira, ardeyda Jaamacadaha, haweenka iyo guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada’’ ayuu yiri wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay la kulmi doonaan guddoonka labada aqal ee dalka oo arintan wada hadal lagala yeelanayo.

Iyadoo ay hore ula kulmeen Madaxda Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ka jira,kuwaasoo ay aad isula fahmeen sida loo abaarayo Dib u eegista Dastuurka xilligan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa marar badan oo hore ku celi celiyay muhiimada ay leedahay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Soomaaliya oo wali aan rasmi aheyn.

warsom2011@gmail.com