Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Xilliga Deyrta ayaa siweyn looga dareemayaa intabadan Gobolada Jubooyiinka kadib markii saacadihii lasoo dhaafay ay ka da’een roobab aad uweyn kuwaasiyoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool Goboladadaasi
Deegaanada ay roobabkani ka da’een waxaa kamid ah degmooyiinka Salagle, Saakow, Jilib iyo dhowr tuulo oo kamid ah Gobolka Jubadda dhexe iyadoona kumanaan shacab ah oo ay abaaraha saameeyeen iyadoona xoolahooda ay ka cabeen xareedii gashay waraha deegaanadaasi.
Deegaanada kale ee ay roobabkaasi kada een waxaa kamid ah degmada Afmadow iyo deegaanada hoos yimaada sida Xayo, Qooqaani, Taabto, Miidoo, Biibi, Sooya, Caglibaax, Janaacabdalla iyo deegaano kale oo miyiga ah halkaasi oo reer guuraa badan ku noolyihiin
Tuulooyiinka Qudus , Beerxaani, Habaaqaa, Buriya, Baqdaad iyo tuulooyiin kale oo dhamaantoodba ah deegaanada dhinaca galbeed kaga began Kismaayo ayaa sidoo kale ka mid ah deegaanada ay xareedii alle ka da’day
Xoolo dhaqato aad u badan ayaa la arkayey iyaga oo xoolahooda ka cabaya waraha iyo wadooyiinka ay biya galeen waxayna alaah uga mahad celiyeen Raxmadiisa iyagoona Allaah ka baryey in Roobka uu noqdo mid joogto ah islamarkaana aanan dhibaato geysan
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





