Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Dowlada TFG-da Soomaaliya ayaa waxa uu Maanta Kormeeray Suuqa Bakaaraha isagoona xariga ka jaray dib u furista Suuqaasi kadib markii ay mudo dagaalada halakeyeen,
Madaxweynaha dowlada soomaaliya oo maanta Socod ku tagay Suuqa bakaaraha ayaa waxa wadooyinka Suuqaasi ku soo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah kuwaa oo iyaga watay caleemo qoyan iyo boorar ay ku soo dhaweynayaan Shariif Axmed
Ugu horayn madaxweynuha socodkiisa waxa uu ka bilaabay wadada koowaad ee suuqaasi isagoona Soo maray dhamaan wadooyinka suuqa bakaarah
Shariif Axmed ayaa Waxa uuna boqolaal dadweyne ah kula hadlay agagaarka daarta Hormuud oo ku taala gudaha suuqa bakaaraha waxa uuna madaxweyanaha Sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in maanta uu tago suuqa weyn E bakaaraha
Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa Sidoo kale waxa uu sheegay in ganacsatada ay u baahan yihiin Amaankooda oo lasugo waxa uuna ugu baaqay ganacsatada inay ka shaqeeyaan amniga Si dowlada ay u hanato amaanka Dhamaan magaaladaMuqdisho,





