Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
C/wali Max’ed Cali (Gaas) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo iminka ku sugan Addis Ababa ayaa waxaa ku soo booqday halka uu ka degen yahay Addis Ababa diplomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlayey arrimaha Soomaaliya sida amngia, abaaraha, iyo siyaasadda dalka maadaama August 2012 uu ku egyahay xilliga Kala guurkaDowlada TFG-da Soomaaliya.
Ambassador Kirwa oo ah Xiriiriyaha arrimaha IGAD ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Gaas kala hadlay sida ay IGAD diyaarka ugu tahay inay kaalin muhiim ah ka geysato sidii Dowladda Soomaaliya ay ugu guuleysan laheyd soo celinta amniga,
Dib-u-dhiska dalka,iyo isagoona sheegay in xafiiskiisa Muqdisho ay soo xoojin doonaan shirarka IGAD la rajeynayo in lagu qabto Muqdisho kaasi oo looga hadli doono Arimo Farabadan.
Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sidoo kale waxa uu la kulmay Eng. Mahboub Maalin Xoghayaha Guud ee IGAD oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan.
C/wali Gaas ayaa waxaa lagu casuumay intii uu joogay Addis Ababa shirkii IGAD ee lagu daahfurayey (IGAD Security Sector Program), borograamka Dhanka Amniga ee IGAD halkaas oo lagu sharfay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali Gaas inuu daahfuro Shirkaasi ka dhacayay Magaalada Adis Ababa Ee Dalkaasi Ithopia.





