Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Ciidamada Dowlada TFG-da ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa waxa ay maanta dagaalo ay ku qaaday goobihii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab Ciidamadooda ka joogayn Degmada kaaraan ee Magaaladatani Muqdisho ,
Weerarakaan oo maanta ay ku qadeen Dowlada TFG-da qeybo kamid ah Degmada kaaraan ayaa waxa goobo hor leh isku fidiyay Ciidamada AMISOM
Sidoo Kale warar ayaa sheegaya in khaasaare xoogan uu soo gaaray labada dhinac ee dagaalku dhexmaray iyo dadka rayidka ee daganaa degmada kaaraan iyo Duleedkeedaba.
Weerarkaani ayaa waxa qaaday Ciidamo AMISOM oo barbar Socdaan ku Dowlada TFG-da Soomaaliya Iyadoona ay dowlada Sheegatay inay hormaro la taaban karo ka gaarayn dagaaladaasi saakay ay ku qaadayn goobihii Ay Xarakada al-shabaab kaga Sugnaayeen Degmada Kaaraan Ee mAgaalada uqdisho
Maxamed maxamuud saneey oo ah Taliyaha Guutada koowaad ee Ciidamada Dowlada TFG-da ee Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkii saakay ay qaadayn ciidamada Dowlada ayna guulo ka gaarayn\
Sidoo Kale Cabdulaahi Maxamed rooble Gudoomiyaha Degmada kaaraan oo isna saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in guud ahaanba degmada kaaraan ay ka Saarayn Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab
Dhanka Kale Waxaan Wali wax War ah Oo ku aadan Guulaha ay Sheeganayaan Saraakiisha Dowlada TFG-da Ka Soo Bixin Xarakada Mujaahidinta al-shabaab oo Iyaga Saakay Lagu Qaaday Weerarka




