Kaddib markii maalintii shalay uu ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay madaxweynihii dowlad gobolleedka Galmudug Cabdukariin Xusseen Guulleed ayaa dhinaca kale lagu dhawaaqay waqtiga la dooranayo madaxweynaha dowlad gobolleedka.
Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Galmudug in ay dhacdo 20 Bisha March ee sanadkaan 2017-da.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in doorashada ay qaban qaabin doonaan xildhibaanadii horay u sheegay in ay xilka ka qaadeen madaxweyne Guuleed.
Waxaa uu xusay in musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxtinimada Galmudug in ay soo gaareen magaalada Cadaado.
warsom2011@gmail.com









