(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Xildhibaan Bashiir Cadooyo (Liinan) oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa saacado ka hor ku geeriyoodey shil gaari oo ka dhacay agagaarka Tuulada Salaxley isaga Iyo Gaari uu Kaxeenayay.
Xildhibaanka ayaa shilka Kula galay Gaari noociisa ahaa Surf-ta oo uu watey ayaa saacado ka hor kula rogmadey inta u dhexeysa degmada Jiriiban iyo magaalada Garoowe ,
Wuxuuna xiliga uu shilka gelayey kusii jeedey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal isaga oo doonayay in uu halkaasi Kulamo kula soo qaato Mudanayaal kale eek u sugnaa halkaasi.
Salaad Xareed Oo ah Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntlan ayaa sheegay in Xildhibaan Bashiir Cadooyo (Liilan ) oo ahaa mudane baarlamaanka kasoo gala degmada Buurtinle uu manta shil gaari ku geeriyoodey isaga oo marayay Agagaarka Magaalada Garowe.
Sidoo Gudoomiyaha Wuxuu intaas ku daray in shilkaas ay ku geeriyootey gabar eheladiisa kamid ah oo gaariga xildhibaanka la qalibmey la socotey islamarkaana ka saarneed Gaariga Afkiisii Hore.
Xildhibaan Bashiir cadooyo (liilan) ayaa kamid ah xubanaha ugu fir fircoon Baarlamaanka Puntland , waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey guud ahaan mudanayaasha Baarlamaanka Puntland.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





