(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Warar lagu Kalsoonaan Karo oo ka Soobaxay xafiiska madaxweyne Shariifka Soomaaliya ayaa Sheegaya In Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nur Tarzan Lagu Wada In Shaqada Laga Eryo
Sida Saraakiil Ka Tirsan Xafiiska madaxweynaha ay U Xaqiijiyeen Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom Madaxweyne Shariif Ayaa qalinka Ka Duuqay saxiixayna Warqadii Shaqada Looga Eryi Lahaa Mr tarzan wallow Madaxweyne Shariif Uusan wali U Gudbin Warqadaasi Gudoomiyaha
Tarzan oo Ka Naxsan Shux Shuxda Hoose Ee Ka Soo Gaaraya xafiiska madaxweynaha ayaa waaga Ku Baryey Ka Dib Markii Uu Ka war Helay In Maanta uu Garoonka Muqdisho Ka Soo Degay Masuulkii Bedeli Lahaa Isaga
Madax Iyo saraakiil Ka Tirsan Dowladda Ayaa Maanta Si Diiran Garoonka Muqdisho Ugu Soo Dhaweeyey Masuulka Lagu wado In Xilka Tarzan Loo Dhiibo Gaar Ahaan Masuuliyiinta Ka Soo Horjeeday Fikirka Iyo Howsha uu Tarzan hayey
Si Kastaba caawo Ayaaa lagu wadaa In xafiiska Madaxweynaha Uu Ka Dhaca Kulan Iyo Casho Sharaf ay wada Yeelanayaan Masuulka Cusub Ee Gobolka Mudane Cumar Xasan Oo aan La Ogeyn Saameynta Uu Ku Lee Yahay Siyaasadda Soomaaliya Imaanshahiisana Kala Mid ah tarzan oo Labaduba kawada Yimid dalka Dibadiisa Iyo Madaxweyne Shariifka Soomaaliya
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





