Cod bixinta gudomiye kuxigeenada Barlamaanka oo lasoo gabangabeeyey(akhriso sida loo kala heley codaddka).

0
583

Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii koowaad doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ah doorasho aad u adag.

Wareegga koowaad ayaa waxaa codadka ugu badan hellay xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 111 cod iyo Faarax Cabdulqaadir oo helay 94 cod.

Musharixiinta ayaa codadka sidan u kala hellay :

Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey 111-cod, Faarax Sheekh Cabdiqaadir wuxuu helay 94-cod. Khadiijo Max’ed Diiriye ayaa soo saddaxaysa oo heshay 26 cod, waxaa soo afareeyay Siciid Ciid oo helay 17-cod. Jaylaani Iikar wuxuu helay 4 cod halka Khaalid Macoow uu helay 7.

Ugu danbeyntii, waxaa wareega labaad u wada gudbaya musharixiinta kala ah C/wali Sheekh Muudeey , Faarax Sheekh C/qaadir.

Musharixiinta ku tartamaysay xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxa ay u kala heleen codadka sidan;

1.C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.  51 cod

2.Mahad Cabdalla Cawad. 71 cod

3.Burhaan Aadan Cumar. 26 cod

4.C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)  8 cod

5.Dr. Xuseen Cabdi Cilmi. 14 cod

6.C/wali Maxamed Qanyare.  12 cod

7.C/laahi Goodax Barre.  18 cod

8.Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.  12 cod

9.C/raxman Ibraahim Aadan(Ibbi)  36 cod

10.Maryan Axmed Haaruun 10 cod

Halkaas waxaa wareega labaad isugu soo harey labada musharax ee ugu dhibcaha badan

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-banktabaarakbecco