Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii koowaad doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ah doorasho aad u adag.
Wareegga koowaad ayaa waxaa codadka ugu badan hellay xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 111 cod iyo Faarax Cabdulqaadir oo helay 94 cod.
Musharixiinta ayaa codadka sidan u kala hellay :
Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey 111-cod, Faarax Sheekh Cabdiqaadir wuxuu helay 94-cod. Khadiijo Max’ed Diiriye ayaa soo saddaxaysa oo heshay 26 cod, waxaa soo afareeyay Siciid Ciid oo helay 17-cod. Jaylaani Iikar wuxuu helay 4 cod halka Khaalid Macoow uu helay 7.
Ugu danbeyntii, waxaa wareega labaad u wada gudbaya musharixiinta kala ah C/wali Sheekh Muudeey , Faarax Sheekh C/qaadir.
Musharixiinta ku tartamaysay xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxa ay u kala heleen codadka sidan;
1.C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi. 51 cod
2.Mahad Cabdalla Cawad. 71 cod
3.Burhaan Aadan Cumar. 26 cod
4.C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla) 8 cod
5.Dr. Xuseen Cabdi Cilmi. 14 cod
6.C/wali Maxamed Qanyare. 12 cod
7.C/laahi Goodax Barre. 18 cod
8.Dr. Cilmi Maxamuud Nuur. 12 cod
9.C/raxman Ibraahim Aadan(Ibbi) 36 cod
10.Maryan Axmed Haaruun 10 cod
Halkaas waxaa wareega labaad isugu soo harey labada musharax ee ugu dhibcaha badan
warsom2011@gmail.com









