Andrew Rothman oo hogaamiya hay’ad xuquuqda hubka iyo is difaacista u ololaysa ayaa sheegay in tira badan oo kamid ah Somalida Minnesota ay xaruntiisa u yimaadaan barashada macluumaad la xiriira isticmaalka hubka iyo waliba qaadashadiisa.
Cabdul Yuusuf iyo Jamaal Abdulaahi oo kamid ah Somalida ku nool gobolka Minnesota ayaa dalbaday qaadashada hubka fudud asbuucyo ka dib markii lagu dhawaaqay in Donald Trump uu yahay madaxweynaha badali doona Barack Obama.
Labadan wiil ayaa kamid ah muslimiinta laga tirada badan-yahay ee sanadkan xaraysatay codsiga qaadashada hubka sharciyaysan si ay naftooda ugu difaacaan ,xilli uu jiro cadaadis saaran dadka laga tirada badan-yahay ee ku nool dalka Maraykanka.
“Donald Trump waxa uu si cad farta ugu fiiqay bulshada Somaliyeed ee degan Minnisota ,tani waa wax aadan ka filaynin musharax doorasho u taagan ,waxaana la kulan-nay fal-celinta hadaladii uu ku hadlay Trump “ ayuu yiri Cabdulaahi oo tilmaamay in ay arintaa ka hortagayaan.
Cabsida laga qabo dhibaatada ka dhalan karta hadalada Trump ayaa sanadkan kor u qaad-day codsiyada lagu dalbanayo in la qaato hubka ,iyada oo dadka codsanaya ay ku jiraan Somali doonaysa in ay iska difaacaan khataraha la xiriira cunsiriyaynta.
Maamulka Minnesota ayaa todobadii bishii ina dhaaftay bixiyay ogolaanshaha codsiyo gaaraya 70,112 waana tiro ka badan inta la bixiyay sanadkii ka horeeyay,taasi oo gaaraysa 44,696 oo ogolaansho ,waxaana ay tani ka dhigan-tahay in dalbashada hubka ay korortay %57 sanadkan.
Cilmi baaris la sameeyay sanadkii 2014-ka ayaa muujinaysa in dadka madawga ah uu Fikirkooda wax badan iska badalay ,iyada oo 54% dadka laga tirada badan-yahay ay aaminsan-yihiin in hubku uu dadka ilaaliyo in ka badan inta uu waxyeelo u gaysan karo.
Ma jirto cadayn sax ah oo muujinaysa tirada muslimiinta iibsanaysa hubka ama dalbanaysa ,iyada oo waraaqda codsiga aysan daaha ka qaadaynin macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan da’da qofka dalbanaya iyo gobolka uu ka yimid qofka codsadaha ahi.
Andrew Rothman oo hogaamiya hay’ad xuquuqda hubka iyo is difaacista u ololaysa ayaa sheegay in tira badan oo kamid ah Somalida Minnesota ay xaruntiisa u yimaadaan barashada macluumaad la xiriira isticmaalka hubka iyo waliba qaadashadiisa.
Waxaa uu sheegay in arinta qaadashada hubka ay kala shaqeeyaan bulsho walba oo la kulmi karta tacadiyo iyo faquuqa la xiriira halka ay ka soo jeedaan ,isaga oo tilmaamay in ururkooda uu soo dhawaynayo ka qayb-qaadashada howlahan.
Labadan wiil ee Somalida ah ayaa ka dalbaday Somalida ku nool Maraykanka in ay ku noolaadan cabsi la’aan ,taa badalkeed-na ay codsadaan hubka si ay naftooda ugu difaacaan hadii la soo handado ,waxaana ay kulamo la qaateen qaybo kamid ah bulshada.
Ugu danbayn ,Qorshaha ay soo bandhigeen C/laahi iyo Yuusuf waxaa kamid ah in la ilaaliyo xarumaha ganacsi ee Somalida ay kuleedahay Maraykanka ,iyada oo la hubaynayo waardiyayaasha ka howl-gala goob kasta oo ay Somalidu wax ku leedahay sida Iskuulada iyo Masaajid-yada.
warsom2011@gmail.com









