Soomaali la iibsadey oo dawlada Sucuudigu ku shaqeysaneyso.

0
522

Kumanaan shaqaale Soomaaliyeed ah oo dumar ah [khadaamooyin] ayaa waxaa qaadanaya dalka Sacuudiga.

Waxaa la sheegay in labada dawladood ee dalalka Soomaaliya iyo Sacuudigu arinkaa isku waafaqeen. Shaqaalahaa dumarka ah ayaa tiradoodu u dhexeysaa kun ilaa toban kun!

Xilliga soo socda ayaa la sheegay in kumanaankaa haweenka Soomaaliyeed ah ay u socdaali doonaan Sacuudiga arinkaa oo qaar ka tirsan warbaahinta Carabtu ay qortay.

Waa arin gef ku ah Soomaalida iyo xeerka Ururka Jaamacadda Carabta oo qoraya in dalalka ku jira ururkaas aysan isku shaqeysan karin waxaana xeer gudubkan ka wadashaqeeyey madax ka tirsan dalka sucuudiga iyo shaqsiyaad soomaali sheegta oo damiir laawayaal ah.

Wada hadalo arinkaa kusaabsan ayaa muddo bilo ah soo socday arinkaa oo xasaasi ah Soomaalida dhexdeeda Soomaali badana ay ka biyo diideen.

Haatan ayaa dalalka kale ee Sacuudiga khadaamooyinka u dira waxaa kujira Philippines iyo Sri Lanka.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak