Shirkii golaha wasiiradda Somaliland, ayaa ansixiyey miisaaniyaddii sanadka 2017-ka oo golaha la hor keenay,isla markaana isku dhaafin doona golaha Wakiiladda Somaliland.
Shirkan golaha Wasiiradda oo uu shirgudoominayey madaxweyne Maxamed Axmed Siilaanyo, waxaana ku wehelinayey Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay.
Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.
Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.
Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:
| No | Hay’ada | SLSH | Dollar |
| 1 | Dawladda Dhexe | 1,553,204,022,280 | 258,867,337 |
| 2 | Hay’adaha Madaxa-banaan | 303,338,532,125 | 50,556,422 |
| 3 | Dawladaha Hoose | 208,570,347,257 | 34,761,725 |
| 4 | Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah | 97,268,562,000 | 16,211,427 |
| 5 | Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta | 12,722,892,000 | 2,120,482 |
| Grand Total | 2,175,104,355,662 | 362,517,393 |
Golaha Wakiilada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo gudbiyo si ay wax ka bedel iyo qiimeyn ugu samayn lahaayeen, isla markaana doodda iyo falanqeyn ku yeelan doonaan.
warsom2011@gmail.com









