Qilaaf Ku Aadan Cidda Maamuleysa Dhoobley Oo Soo Kala Dhexgalay Dowlada TFG-da.

0
518

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Ciidamadii KA Tirsanaa Dowlada TFG-da Oo Maalinkii shalay ku dagaalamay dhoobley ayaa lagu waramayaa in weli ay magalada isku horfadhiyaan islamarkana laga  cabsi qabo dagaal markale halkasi ku dhexmara sida ay soo sheegayaan ilo wareedyo ay heshay wakaalada wararaka Soomaaliyeed Ee Warsom

Xiisada magalada ka jirta ayaa maanta ah mid kacsan,labada dhinac ee shalay halkasi ku dagaalamay magalada ayey ku wada sugan yihiin iyagoo hubeysan,dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay u qaxaan meelaha ay naftooda ku badbaadi karto gaar ahaan deegaanada ku dhow magalada ee ay xabada kaga badbaadi karaan.

Ku Dhawaad afar askari ayaa ku dhimatay tiro kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay dhoobley ee Dowlada TFG-da dhexmaray,ilaa iyo  hadda ma jirto wax dhexdhexaadin rasmi ah oo laga dhex bilaabay Ciidamadii halkasi Uu Dagaalka ku dhexmaray.

Dhanka kale Ciidamo kala ayaa saaka ku dagaalamay isgoyska Kala bayr ee Gobolaka Hiiraan halkasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa ay gacanta ku heyso dowlada Itoobiya waxaana lagu waramayaa in halkasi uu qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ka soo gaaray.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
.