SHir uu maanta yeeshey Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya oo qodobo laga soo saarey.

0
583

KU: Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya(Michael Keating)

KU: Ururka Midawga Yurub

KU: Ururka Midnimada Africa

KU: Ururka Jaamacadda Carabta

KU: Urur Goboleedka IGAD

OG: Gudiyada Doorashada Dadban ee heer Federal iyo Maamul goboleedyada

OG: Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya

OG: Hanti dhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliya

UJEEDO: Cabasho iyo Talo Soo jeedin ka dhan ah (DOORASHADA DADBAN EE DALKA KA DHACDEY)

                      Madaxda Xisbiyayada Siyaasada Soomaaliya oo ka kooban 33 Xisbi Siyaasadeed Madaxdooda Musharaxiin,Haween DHalinyaro Ganacsato iyo xubno siyaasiyiin lagu soo dulmey goboladii ay doorashadu ka socotey ayaa waxa ay isugu yimaadeen shir aykaga tashanayeen qaladaad iyo musuqmaasuq ku milmey dhammaan goobaha doorashada  kulanka ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya Cali Maxamed Nuux Timajilic ayadood looga hadley arrimaha Doorashooyinka dadban ee gobolada Dalka qaarkood kasoo dhacey iyo Qaladaadka jira ayey dood iyo falanqeyn dheer kadib waxey isku raaceen Qodobada soo socda:-

1 Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliyeed Markuu arkey Qaladaadka qaawan ee ka dhex dhacayey Maamul Goboleedyada doorashadu ka socotey,Markuu arkey in aaney jirin korjoogto iyo kormeerayaal madax banaan oo ku sugan goobaha doorashada,Markuu arkey in hey’adaha Xeer illaalinta,Hanti dhawraha qaranka iyo Maxkamadihii dalka laga xayirey hawlahoodii dastuuriga ahaa waxaa si weyn  oo aan gambasho laheyn u baahey una dhacey MUSUQMAASUQ,WAX IS DABAMARIN,BOOB DHAC HANDADAAD IYO HANTIDA QARANKA OO SI KHALDAN LOOGU ADEEGSADEY DOORASHOOYINKA ,SIDAAS DARTEED WAXEY MADAXDA xISBIYADU Go’aansadeen in aaney aqbalin natiijada doorashada hadii aan la sixin inta ay khuseyso qaladaadka aan kor kusoo sheegney.

2 Madaxda Xisbiyada waxaa qaladaadkaas ugu astesan 74 kursi oo si qaldan uga soo kala baxey Maamulgoboleedyada Doorashadu ka socotey oo qaarkood dhiig lagu daadshey si loo maroorsado,qaarkood loo diidey in ay tartamaan dadkii xaqa u lahaa,qaarkood iyagoon warba u heyn lagu war geliyey in doorashadii looga adkaadey MAALIN JIMCE AH oo aaney dadka soomaaliyeed shaqeyn lagu yiri doorshadii wey dhacdey,kuwo wasiiro ahaa oo ergo ay u noqdeen Askartii illaada u ahaa,Gabdho beelihii ay ka dhasheen u qoondeeyeen kursi oo loo diidey ayna maanta ku fadhiyaan RAG kaliya,iyo Qaldaad ka waaweyn oo kale Sidaas awgeed waxey iyadana madaxda xisbiyadu isku raaceen in inta aan la qaban doorashada madaxda barlamaanka iyo tan madaxweynaha lagu noqdo oo la saxo xalaalnimada kuraasta aan kor kusoo sheegney.

3 In beesha Caalamku ku qanciso madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey in aanu xilka qaranka u tartamin oo laga hakiyo maadaama qaladaadka dhacey ee aan kor kusoo xusney uu isagu AABBE U YAHEY kana danbeeyo caddeynteedana la hayo.

4 In shir deg deg ah ay isugu yimaadaan dhamaan musharaxiinta u sharaxan xilka Madaxweynaha dalka go’aan mideysana ku qaataan sidii dalka loo badbaadin lahaa inta isaga u shaqeyneysa mooyaane isla markaa ay qaadacaan in ninkii qaladka geystey ay la tartamaan sidaasna ugu xalaaleeyaan wixii uu xaaraanta ku keeney..

5 Ugu danbeyntiina Madaxda isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya waxey adduunka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqeen in loosoo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen ee biyo la’aanta iyo shuban biyoodka u dhimanaya kadib markii ay cabeen biyo wasaqoobey XOOLIHIINA DHAAFEEN,dAWLADOODII IYO DADKII MASUULIYADU SAARNEYD KURSI AYEY KU MASHQUULEEN ee hala soo gaaro shacabka soomaaliyeed.

WABILLAAHI TAWFIIQ

DHAMAAD.

 

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak