Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2016 C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale.
C/raxmaan C/shakuur oo kamid ah ragga ugu cad cad sanadkan xilka m/weynaha ayaa waxa uu ka tirsanyahey xisbiga Wadajir ee xubinta ka ah Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya kuwaasoo isku bah ah lana filayo in ay xildhibaano badan ka heleen maamulada doorashadu ka dhacesey,
Lama oga in Isbaheysiga xisbiyadu ay sharaxi doonaan C/raxmaan C/shakuur waxaase xaqiiqo ah in xisbiyadu isu keensan doonaan xildhibaanada ay ka heleen labada AQAL ee madaxweynaha dooran doona dhawaan,waxaana arrintan noo xaqiijiyey masuuliyiinta ugu sareeya isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo aan qaar kamid ah la xiriirney.
warsom2011@gmail.com









