Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dib uga qabsadeen magaalo xeebeedka Qandala jabhada Daacish ee bishii hore halkaa qabsatay.
Ciidamada Puntland ayaa tan iyo shalay kula dagaalamayay Daacish Qandala iyo nawaaxigeeda. Hase ahaatee maanta ayay ciidama Puntland sheegeen inay Qandala la wareegeen.
Taliyaha ciidanka badda ee Puntland kolonel C/Naasir Caynab Cali [Xaayow] ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay qabsadeen Qandala.
Dagaalyahanadaasi Daacish ayaan soo saarin wax faahfaahin ah durba taasoo kusaabsan dagaalka,kuwaasoo gacanta ku hayey degmadaas bilooyinkii la soo dhaafey,waxeyna tani muujineysaa in awoodii laga baqayey ee Ururka Daacish ay hadda gabaabsi noqotey,hadii aaney jirin xeelado kale oo dagaal.
warsom2011@gmail.com









