Madaxweynaha Xisbiga MJS Darmaan Oo Ka Hadlay Arintan Dowladda Shiriif Ay Ku Iibsaneyso Badda Iyo Bariga Soomaalia.

0
684

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Cabdi Nuur darmaan Oo ah Madaxweynaha Xisbiga midnimada Jamhuuriga soomaaliyeed  ayaa kahadlay Warar Maalmahanba ay baahinayeen Warbaahint oo ku aadan Iibsiga badda Soomaaliya,taasoo ay hadda ku howlanatahay dowladda TFG-daSoomaaliya

Darmaan ayaa waxaa uu Sheegay in uu aad ugu xunyahay Talaabada dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Arintan ,isagoona intaa raaciyay in ay u sii dheertahay boob ay 17 Wadan ku hayaan kheyraadka baddeen Soomaaliya.

Waxaan Maanta Shaki ku jirin Kheyraadka badda ee dalka Soomaaliya loo soo dhigtay,waxaana jirta dalalbadan oo hadda ay Maraakiibtooda Kheyraad ka dal dashaan Xeebaha Soomaaliya ,waxaana rabaa in Soomaalida aan u sheegay in arintan ay tahay qaabkii uu Mahiiga u qaatay qeebo kamid ah dalka”.

Darmaan ayaa Sidoo kale waxaa uu Xusay qaar kamid ah dalalka Hishiiska laghalay Dowladda Shariif kuwaasoo ay kamidyihiin Dalmarck Norwey Kenya iyo dalalkale.

Hogaamiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cabdi Nuur Darmaan ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilaamay  Ragga Qurba joogta ah ee ku jira Dowladda ay ku beylaheen Wadanka Somaaliya Bad iyo Barriba.

Labadii Bilood ee ugu danbeeyay ayaa Waxaa soo Shaac baxay Waxa looga yeero is afgaradka xagga badda oo aan aduunka ka jirin islamarkaana ku eg dalka Soomaaliya oo kali ah,iyadoona hadda ka hor ay dhalisay buuq farabadan kadib Markii bilowgii Dowladda Madaxweyne Shariif ay damceen xumnaha ugu Sareeya in ay iibsdadaan badda Soomaaliya ,laakiin Soomaalida laga dhaadhiciyay Barnaamijyo kale.

Si kasataba Arintan iibsiga badda ayaa waxaa ay dhalisay Buuq farabadan iyadoona xilligaan Dowladda Shariif ay wado olole ay ku dooneyso in ay iibsato badda Soomaaliya,laakiin Aqoonyahanada iyo wax garadka Soomaaliyeed ayaa Arintaasi kahadlay waxaana ay ku Tilmaameen wax aan loo dulqaadankarin.in ay Dowlada TFG0da Soomaliya Iibsato Bada Iyo Bariga Soomaaliya

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com