Madaxweynaha Maamul Goboledka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland

0
513

 (Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole Wareegto ka soo baxday Lr-keeduna yahay 87 ayaa lagu magacaabey afhayeenka Dawladda Puntland Iyo Hoolgaladiisa.

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole Oo ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay kadib markii uu eegay dastuurka Puntland isla markaana tixgeliyey aqoonta iyo waayo aragimadiisa shaqo in uu Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) u magacaabayo in uu noqdo afhayeenka Madaxtooyada  Puntland.

Tan Iyo Markii La Doortay Dr.Faroole Waa markii Ugu Horeysay uu magacaabo afhayeen ku hadla codka Maamulka Puntland, arrintan oo ahayd mid baahi weyn loo qabay gaar ahaan saxaafaddu ay aad ugu wareerto cidda siineysa xogta rasmiga,

Si kastaba waxaa arrintan si weyn u soo dhaweyn doona saxaafadda Puntland waxaana la arki doonaa qaabka uu shaqada u dar-dargeliyo afhayeenka cusub ee maanta soo shaacbaxay

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com