Baaritaanka SHidaalka oo S/land toos u billaabeyso iyo heshiisyo ay gashey.

0
576

Dawlada Somaliland ayaa shaacisay inay si toos ah u bilaabeyso sahanka shidaalka ayada qudheedu.

Somaliland ayaa awal waxaa shidaal baaris ka waday shirkado dalal shisheeye laga leeyahay. Wazaarada Macdanta ee Somaliland ayaa qirtay in haatan ay hawshaa ka caawin doonto shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay.

Shirkadaa ayaa si kastaba ha ahaatee ayadu hoos imaan doonta wasaaradaa balse aan u shaqeyn doonin si iskeed ah.

In muddo ahba waxaa Somaliland ka socday hawlo sahan shidaal ah walow dhowr jeer ay hakad galeen.

Dawlada federalka Soomaaliya ayaa iyadu ku andacoota in ay xaq u leedahey heshiisyada lala gelayo shirkadaha caalamka mana jiro xeer tilmaamaya hab qeybsiga qeyraadka dabiiciga ah ee alka oo uu meel mariyey Barlamaankii xiligiisu dhamaadey.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak