Madaxweynaha la Doortay ee Dalka Mareykanka, Mr. Donald Turmp, ayaa ku xaqiijyay qorshihiisa mushaarka yar, kaddib Wareysi uu siiyay barnaamijka 60-ka daqiiqo ee Telefishinka CBS.
Donald Trump, ayaan ka warqabin inta uu le’eg mushaarka madaxweynuhu uu qaato, balse wuxuu sheegay inuu u malaynayo inuu u baahan yahay inuu qaato Hal Doollar oo keliya.
Laakiin markii wariyihii wareysanayey [Ms Stahl] ay u sheegtay in mushaarku yahay 400 kun oo doolar, wuxuu yiri : “Maya, ma doonayo inaan qaato mushaarkaas. Ma qaadanayo”.
Madaxweynaha-la- doortay wuxuu ku joogaa ballan-qaadkii uu sameeyey intii uu ku jiray olallaha doorashada. Wuxuu u sheegay dad u soo baxay bishii September ee sannadkan in aanu mushaarku “muhiimad aad u wayn” u lahayn isagga.
Hogaamiyayaal kale miyay iska dhaafeen mushaarkooda?
Trump, ma ahan Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Mareykan ah oo mushaarkiisa diida inuu Qaato. Herbert Hoover oo Hantidiisa ka sameeyay Ganacsiga Macdanta, intii aannu qaban Xafiiska iyo John F. Kennedy, kaasoo dhaxal u helay Maalkiisa ayaa Labadooduba waxay diiddeen inay qaataan wax mushaar waxaynna ugu tabaruceen hay’addaha samafalka.
Duqii hore Michael Bloomberg, gudoomiyihii hore ee California Arnold Schwarzenegger iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Massachusetts, Mitt Romney ayaa diiday mushaarkooda qaaliga ah, iyagoo ka dhigay mid yar.
Sidoo kale, Mark Zuckerberg oo ah Aasaasaha Facebook-ga waa qofka ugu mushaarka ugu yar shirkaddiisa, si la mid ah bilyineero iyo madax shirkado ayaa qaata mushaar hal Doolar ah. Sergey Brin & Larry Page oo ah Aasaasayaasha Google ayaa sannado badan mushaarka ay qaataan wuxuu ahaa hal doollar oo keliya.
Marka lagu daro Mushaarka Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ah 400,000 oo Doollar, waxaa kaloo uu leeyahay 50,000 oo Doollar – oo Canshuur ahaan loo siiyo sida uu Xeerku qabo.
Marka la bar-badhigo Ra’iisul Wasaaraha Waddanka Canada, wuxuu qaataa mushaar dhan 340,800 oo doolarka Canada ah. Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel waxay iyadu qaadataa $242 kun sanadkii, halka madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande uu helo Sannadkii $198,700, sida uu BBC-du ka soo xigatay Telefishinka CNN.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Britain, Theresa May – waxay mushaar ahaan u qaadataa earns $186,119 Sannadkii. RW hore ee Britain, David Cameron ayaa xilligii uu xilka hayay ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan, kaddib markii la kordhiyay mushaarkiisa 10% sanadkii hore ee 2015-kii.
Donald Trump ma leeyahay il kale oo dhaqaale?
Haa, oo kuwa badan ayaa mar horeba baaritaan lagu sameeyey. Isuduwidda maaliyadda Mr Trump, ayaa su’aalo hareeyeen kaddib, Markii uu ku dhawaaqay inuu saddex carruur ah oo uu dhalay, Donald Jr, Eric, iyo Ivanka – iyo Ivanka ninkeedii Jared Kushner, loo doortay in guddiga kala guurka.
Mr Trump loogama baahna inuu iibiyo hanti, taas oo lagu Qiyaasay Balaayiin, waxaana uu sheegay in uu uga Tegi doonno Ganacsiga Boqortooyadiisa Aaminaad indho la’a – oo ay sii maamuli doonaan caruurtiisu maamuli doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, Kalsoonidaan muran ayaa ku jira ama waxay ku jirtaa gacanta cid la aaminsan yahay, taasoo u siinaysa caruurtiisa inay xil-wareejita madaxweynennimo ku lug yeeshaan.
Ugu dambeyn, Illaa iyo hadda, Trump wuxuu diiddan yahay inuu shaaciyo cashuurta uu sii daayo, mana cadda in hantidiisa dibadda ay saamaynayso xiriirka Mareykanka.
XIGASHO: BBC
warsom2011@gmail.com











