Degmada tayeeglaw oo weeraro iyo Qaraxyo xaley lagu qaadey.

0
513

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus iyo weeraro ismiidaamin ah oo xallay ka dhacay deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Bakool, kuwaa oo sababay khasaare balaaran isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in dagaal toos ah iyo weeraro ismiidaamin ah ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed.

Max’ed C/dulle Food-Cadde oo ah guddoomiyaha deegaanka Tiyeegloow, ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahanno ah weerar ku soo qaadeen saldhigyada ciidammada ee deegaanka Tiyeegloow.

Weerarada ismiidaamin ayaa waxaa fuliyeen ilaa siddeed ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab oo xirnaa jaakadaha walxaha qaraxa lagu soo xirray, taasoo qal qal iyo cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka.

‘’Ciidammadeena ayaa wali ku sugan Tiyeegloow, shacabkii ku dhaqnaa deegaanka horey ayeey uga barakaceen’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa ilaa iyo hadda hawada ka maqan isgaarsiinta deegaanka lagu diriray,waxaana adag in la hello faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkii cuslaa iyo qaraxyadii ismiidaaminta ee is xig xigay.

Ugu danbeyntii, ciidammada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, ayaa u dhaqaaqay maalmo ka hor in ay la wareegaan gacan ku heynta Tiyeegloow oo ay isaga baxeen ciidammada Itoobiya.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak