Burundi oo ka mid ah dalalka Soomaaliya usoo diray ciidamada nabad ilaalinta ama AMISOM ayaa asaga qudhiisa waxaa haatan looga baqayaa in gumaad uu ka dhaco ama xasuuq sida hayadaha xaquuqul insaanka ee caalamiga ah ay ka digayaan.
Shalay Talaadadii ayaa ururada xaquuqul insaanka ee caalamiga ah ay sheegeen in dawlada dalkaasi ku wado dalkaa halaag. Waxay sheegeen in waqti yar gudihii dalkaasi uu xumaan galay.
“Laga soo bilaabo Abriil 2015 markii dalkaa ay ka bilowdeen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday go’aanka Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku doonayay in mar saddexaad uu xilkaa madaxweynaha sii hayo, dalka Burundi wuxuu ku jiray dhibaato siyaasadeed oo xun,” Sidaa waxaa sheegay Federeeshinka Caalamiga ah ee Xaquuqul Insaanka (FIDH).
Madaxweynaha FIDH Dimitris Christopoulos ayaa caalamka ugu baaqay in arinkaa la joojiyo ka hor inta xaalada dalkaasi aysan sii xumaan.
Warbixin ka kooban 200 oo bog ayaa ururka FIDH wuxuu ku sheegay in dawlada iyo kooxaha mucaaradka ah ay dhibaatooyin badan oo rabsho ah dalkaa ka bilaabeen.
“Weerarada ay geystaan laamaha ammaanka iyo garabka dhallinyarada ee xisbiga talada haya ee loo yaqaano Imbonerakure… waxay aasaas ahaan diirada saarayaan inay xukunka ku heystaan si kasta iyo siyaabo kasta.” Warbixinta FIDH ayaa sidaa tibaaxday.
In ka badan 1,000 qof ayaa rabshado ku dhintay ilaa 800 oo qofna waa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Intaa waxaa dheer in ilaa 8,000 oo qof dawlada dalkaa ay u xidhay arimo siyaasad la xiriira halka in ka badan 300,000 oo qofna ay dalkaa ka qaxeen oo ay ku tabaaleysan yihiin dalalka dalkaa jaarka la ah.
Anschaire Nikoyagize oo ah madaxweynaha musaafuriska ku maqan ee kooxda xaquuqul insaanka ee ITEKA ayaa bayaan ku sheegay in dambiyada dawladu galeyso ay noqdeen kuwo nidaamsan.
“Dambiyada ka dhanka ah baniaadamka ayaa dhacaya waxaana dalkaasi halis ugu jiraa gumaad ka dhaca.” Sidaa ayuu bayaankiisa ku xusay Anschaire Nikoyagize.
Si kastaba ha ahaatee afhayeenka dawlada Burundi Willy Nyamitwe ayaa sheegay in ururka xaquuqul insaanka ee FIDH uu sheegay been la dhoodhoobay asagoo sheegay in dalka Burundi uusan halis ugu jirin gumaad.
Wuxuu afhayeenka dawlada Burundi asagoo hadalkiisa sii wada sheegay in taasi tahay weerar kale oo ururada loogu yeero caalamiga ay ku doonayaan in dalkaa ay xasiloonida uga qaadaan.
Dalkaa ayaa isaga baxay diiwaanka Maxkamada Dambiyada Dambiilenimo ee Caalamiga ah ee ICC.
Arinkaa ayaa yimid kadib markii haweneyda dacwad oogaha ah ee ICC Fatou Bensouda ay sheegtay in ay dhalin doonto fikir ah in si buuxda loo soo baaro eedeymaha ka dhanka ah dawlada dalkaa ee ku saabsan dilka, jirdilka, kufsiga iyo dadka la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Arinkaa ayaa dawlada Burundi sidoo kale ku tilmaantay shirqool Burundi lagu dhibaateynayo.
Laga soo bilaabo markii dalka Burundi uu ka baxay ICC, Burundi ayaa laga takooray dalalka kale ee caalamka.
Wixii intaa ka dambeeyay ayaa beesha caalamku bilowday inay aad u takoorto Burundi.
warsom2011@gmail.com








