(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Gar gaar loogu tala galay Barakacayaasha ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho ayaa Maamulka Dakada magaalada Muqdisho is hortaag ku sameeyay Deeqdaasi
Maamulaha Dekeda Muqdisho ayaa xayiray in gudaha Dekedda ay ka baxaan Gaadiidka sida raashinka iyo daawooyin gar-gaar ah oo Hay’adaha UNICEF Iyo ICRC leeyihiin, waxaana gawaaridaasi la sheegayaa in maalintii lexaad ay u xayranyihiin Maamulaha Dekada Magaalada Muqdisho
Sidoo Kale wararka Qaar ayaa sheegaya in Agaasimaha Dekedda Muqdisho uu is hortaag Awood ah ku sameeyay in gawaaridaas ay ka baxaan Dekedda, taasi oo ka dhalatay markii Madaxda labada Hay’adood ay ka biyo diideen dalab uga yimid maamulka Dekedda in lagu soo wareejiyo howlaha shixnadaha gargaarka.
Hay’adaha ICRC iyo UNICEF Shixnadaha raashinka iyo daawooyinka ee kaga xayiran Dekedda Muqdisho ayaa laga dajiyay labo markab kuwaasi oo ka soo shiraacday wadanka KenyaGaar ahaan dekedda magaalada Mombasa
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





